Sveriges mest populära poddar
Abdijaliil Show

Libaan Tahliil Aas-Aasaha Sabiib Somali Restaurant.

2 min16 januari 2026

Libaan Tahliil Aas-Aasaha Sabiib Somali Restaurant.


Liibaan waa ganacsade aan jaamacad dhigan, balse 20 sano ku soo jiray ganacsiyo kala duwan — laga bilaabo iibinta taleefannada gacanta ilaa uu maanta noqday mid ka mid ah aas-aasayaasha maqaayadda caanka ah ee Sabiib.Sheekada dhabta ah ee nolosha Liibaan — laga bilaabo dhalinyaranimadiisii ilaa heerka ganacsiga uu maanta joogo.~ Casharro ku saabsan sida ganacsi loo bilaabo adigoon haysan Shahaado jaamacad ama maalgelin weyn.~ Sida uu u dhisay kalsooni, shaqaale wanaagsan iyo adeeg tayo sare leh.~ Caqabadihii iyo guulihii uu la kulmay intii uu dhisayay Sabiib.~ Qibradiisa iibinta (salesperson experience) iyo sirta ah sida wax loo iibiyo.Liibaan wuxuu yiri:“Markii aan bilaabay Sabiib, ma ahayn oo keliya maqaayad — waxay ahayd halgan aan doonayay inuu noqdo dhaxal ay Soomaalidu ku faanto.”Podcast-kan waa mid ka duwan dhammaan kuwii hore:Waa sheeko ku saabsan sabrid, halgan, iyo guul dhab ah.

Abdijaliil Show med Abdijaliil Osman finns tillgänglig på flera plattformar. Informationen på denna sida kommer från offentliga podd-flöden.